4371 Views

Masar oo hub iyo gaadiid ugu deeqday ciidamada Soomaaliya

Masar oo hub iyo gaadiid ugu deeqday ciidamada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 19, 2016: Dowladda Masar ayaa dowladda Soomaaliya maanta ku wareejisay hub, gaadiid iyo sanaad ciidan oo loogu talay galay ciidamada Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababran ee magacooda loo yaqaan Danab.

Qalabkaan, ayaa waxaa wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya guddoonsiiyey Waliid Maxamed Ismaaciil oo ah Danjiraha dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya, sida ay faafisay wakalaadda warraka ee SONNA.

“Waxaanu taageereynaa walaalaheena Soomaaliyeed, Hubkaan iyo Gaadiidka Ciidanka oo ay ku jiraan kuwa gurmadka deg degga ah waxaan maanta ku wareejineynaa dowladda Soomaaliya, si gaar ah waxaan uga qeybq aadaneynaa howlaha dib u dhishka ciidamada Soomaaliya” ayuu yiri danjire Waliid.

Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, oo danjire Waliid ka guddoomay saanadaan ayaa uga mahad celiyey dowladda Masar taageerada ay u fidisay Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa dhinaca kalena ballan qaaday inay taageero kale u fidin doonto dowladda Soomaaliya mar dhow.

warejin-hub-5warejin-hub-6warejin-hub-4warejin-hub-3

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment