4176 Views

Hey’adda Nile Academy oo ku negaanayso Somaliland

Hey’adda Nile Academy oo ku negaanayso Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 20, 2016: Somaliland ayaa sheegtay in aanay deegaanadooda ka saari doonin Hey’adda Turkiga laga leeyahay ee Nile Academy, kadib markii dowladda Soomaaliya u qabatay Hey’addaas inay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahood.

Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa sheegay in Hey’adda Nile Academy ay sharci ku joogaan deegaanada Somaliland, isla markaana ay eryi karaan oo kaliya hadii ay jebiyaan sharciga maamulka Somaliland u dhigan.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay cambaareynayaan isku daygii afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay Turkiga, isagoo xusay in hadii uu hirgeli lahaa isku daygaas afgambi ay noqon laheyd dhibaato weyn oo ku soo biirta Caalamka

Waxaa uu sheegay in aanan wax xiriir ah lagala soo sameyn arrinta ku aadan Hey’adda Nile, waxaa uu xusay in hey’adaas ka mid tahay hey’adaha sharciga ku jooga dalka.

Hey’adda Nile Academy ayaa ka mid ah Hey’ado uu maamulo wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo lagu eedeynayo inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay isku daygii afgambi ee jimcihii ka dhacay Turkiga, in kastoo wax cadeeyn ah an la haynin.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment