4290 Views

Shir looga hadlayo Xoojinta Bankiyada Soomaaliya oo Nairobi lagu qabtay

Shir looga hadlayo Xoojinta Bankiyada Soomaaliya oo Nairobi lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 20, 2016: Dood cilmiyeed dheere ku saabsan sida loo xoojin karo Bangiyada Soomaaliya isla markaana ay bangiyada dalka Kenya maalgashi ugu sameyn karaan Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaallada Nairobi.

Jamaal Maxamed Xasan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa furay kulankaan oo ay soo qabanqaabisay safaaraddu ayna ka qeyb galayaan Wasaaradaha arrimaha dibadda, maaliyadda, ganacsiga iyo qorsheynta ee labada waddan, masuuliyiinta bangiyada dhexe ee labada dhinac iyo bangiyada ganacsiga ee gaarka loo leeyahay.

“Ujeeddada kulankani waa in la is dhaafsado sida ay bangiyada ganacsiga ee Soomaaliya iyo Kenya isu kaashan karaan, ayadoo labada dowladood ay taageerayaan ama ay u fududeynayaan arrintaas” ayuu yiri danjire Jamaal.

La taliyaha Bangiga Dhexe ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya  ayaa sheegay in xoojinta iyo sharci siinta bangiyada Soomaaliya ay ahmiyad u leedahay kor u qaadidda hannaanka dhaqaale ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay in sanidihii la soo dhaafay uu bangiga dhexe uu ruqsad siiyay bangiyo iyo xawaalado badan oo dalka ka shaqeeya.

“Waxa aan ruqsad siinnay lix bangi oo ganacsi oo qaarkood ay halkaan fadhiyaan, sidoo kale waxaan ruqsad siinnay in ka badan lix shirkad oo xawaaladeed kuwaas oo adeegyo u qabta bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Cabdirisaaq.

Buteri Watson oo ka tirsan Bangiga Adduunka ayaa sheegtay in Soomaaliya sanidihii la soo dhaafay ay horumar weyn ka sameysay hannaanka maamulidda dhaqaalaha dadweynaha, ayadoo la sameeyay sharciyo badan oo taageeraya ama fududueynaya in maal-gashi lagu sameysto waddanka ayadoo ay jirto daahfurnaan maaliyadeed.

“Soomaaliya waxa ay sameysay horumar weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah, maamulidda dhaqaalaha dowladda iyo xoojinta hay’adaha qaabilsan dhaqaalaha ayaa aad loo hagaajiyay” ayay tiri Buteri.

“Hay’adaas la xoojiyay iyo horumarkaas ayadoo laga amba qaadayo, Waxa aan ka hadlaynaa sidee hay’adahaas dowladda ee koraya ay u caawin karaan ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxa ay ku taageeri karaan iyo sida ay ganacsatada dalalka dariska ah gaar ahaan Kenya u maalgashan karaan Soomaaliya”.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cali “Qaloocoow” ayaa shirkaan ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad weyn siinayso xoojinta wada shaqeynta hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladeed. Wuxuu intaa ku daray in qorshaha qaran ee horumarinta dalka ay qeyb ka tahay horumarinta iyo kor u qaadidda dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, ayaa shegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso in dowladaha dariska ahi ay maalgashi ku sameeystaan Soomaaliya, ayadoo ay dowladdu diyaarisay sharciga maalgashiga dalka, kan iibka qaranka iyo kuwo kale.

Sidoo kale wakiilo ka socda rugta ganacsiga iyo

warshadaha Soomaaliyeed, Bangiyada IBS, Premier Bank, Salaam Somali Bank, Dahabshiil, Amal iyo bangiyo ka shaqeeya dalka Kenya ayaa ka qeyb galaya kulankaan oo doodo ku saabsan sida loo wada shaqeyn karo ay ku yeelanyaan Shirka.

Bangiga Adduunka iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa soo qabanqaabiyay kulankaan. Billowgii sanadkaan safaaradda ayaa kulan sidaan oo kale ah u qabatay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysta dalka Kenyagudahiisa.

banki5baki7

banki1banki2banki3banki6 (1)

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment