3582 Views

Ciidamo la dul-dajiyay Isbitaalka Deva

Ciidamo la dul-dajiyay Isbitaalka Deva
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 21, 2016: Sida la sheegayo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la geeyay Xarunta Isbitaalka Deva oo ay maamusho Hey’adda Nile Organization ee Turkiga, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku amartay Hey’addaas inay dalka uga baxdo mudo todobaad ah.

Ciidamadan ayaa loo geeyay Isbitaalka inay sugaan amnigiisa iyo in aanu dhicin bililaqo, marka la gaaro waqtiga kama dambeysta ah ee maamulka Isbitaalka lala wareegayo.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in laamaha ammaanka ka codsatay in ciidamo la geeyo Isbitaalka.

Isbitaalka Deva ayaa ah Isbitaal gaar ah oo hoos-taga Hey’adda Nile Organization oo ka mid ah Hey’ado uu leeyahay Wadaadka fadhigiisu yahay Mareykanka Fethullah Gulen, kaasoo lagu eedeynayo inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay, sidaas darteed ayaa DFS u eriday Hay’addaas.

Hey’adda Nile ayaa xarumo isugu jira Iskuulo iyo Isbitaalo ku leh magaalada Muqdisho, waxaana dhamaan xarumahaas ay yihiin kuwo dadka looga qaado lacago xad-dhaaf ah, marka la bar baro dhigo Isbitaalada kale ee gaarka ah, in kasoo an horay loo sheegi-jirin.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxay si wada jir ah u balan qaadeen in adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee ay bixin jirtay Hay’adaasi sidoodii u socon doonaan, Maamul cusubna loo yeeli doono. Sidaas waxaa sheegay DFS.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment