3678 Views

Hiiraan oo ku dhawaaqday inay sameysanayso Maamul goboleed

Hiiraan oo ku dhawaaqday inay sameysanayso Maamul goboleed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 21, 2016: Warka na soo gaaray ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka Hiiraan ee ku sugan magaalada Beledweyn ayaa sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u sameysan doonaan Maamul goboleed leh baarlamaan iyo Madaxweyne, isla markaana aysan jiri doonin cid ay wax ku darsanayaan ama wax ka maqlayaan.

Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec, afhayeenka Duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan. ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Beledweyn, isagoo ka warbixinayay kulamadii ay la qaateen Urur Goboleedka IGAD.

Ugaaska ayaa sheegay in kulamadii IGAD la qaateen ay ku dhamaadeen fashil, isagoo xusay in aysan mar kale dib ugu soo laaban Beledweyn, hadii aysan u wadin in Hiiraan ay tahay labo gobol sida uu yiri.

“Reer Hiiraan waa tashadeen, waxaa leenahay IGAD waxba ha ku soo lugo’ina, Beledweyn qarash yuusan idinka dhamaan, reer Hiiraan hadaa u heystaan labo gobol iyo saddex gobol imaada”ayuu yiri Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec.

Dhanka kale, Ugaaska ayaa sheegay in maalmaha soo socda la caleema saari doono Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, isagoo intaa ku daray in caleema saarka kadib ay guda geli doonaan Maamul gaar ah oo ay yeeshaan dadka reer Hiiraan.

“Waxaa guda geli doonaa caana-shubka Ugaas Xasan kadib maamul ay leeyihiin dadka reer Hiiraan, Madaxweyne iyo Baarlamaan ayaa sameysaneynaa ku bishaareysta, waa maamul goboleed cid aan wax ku darsaneyno ma jirto”ayuu mar kale yiri Ugaas Cali.

Xaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif diyar-growgeeda, ayaa ka socota magaalada Beledweyn, iyadoo lagu wado inay ka qeyb galaan caleema saarka siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ku aftirsato gobolka Hiiraan.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment