3648 Views

Howl gallo ay ka qeyb qaateen Ciidamo Mareykan ah oo ka dhacay Jubada Hoose

Howl gallo ay ka qeyb qaateen Ciidamo Mareykan ah oo ka dhacay Jubada Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 21, 2016: Wararka an kaa helayno magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in howl gallo si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah uu ka dhacay duleedka Kismaayo oo an ka fogeyn magaalada.

Howl galkan oo dhacay shalay gelinkii dambe ayaa ciidamada huwanta waxay ka fuliyeen deegaanka Buulo Gaduud iyo deegaano ku dhow dhow, halkaasoo saldhigyoiyo fadhiisin u ahayeen Al-shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in howl galkan ay ka qeyb qaadanayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopters ee uu Maraykanka leeyahay.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa laga soo xigtay in howl galkan lagu bur buriyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Kismaayo, isla markaana lagu dilay illaa 10 dagaalyahan iyo ka badan.

Qaar dadka deegaanka ka mid ah, ayaa sheegay inay maqlayeen madaafiic iyo rasaas xooggan oo ka dhacayay deegaanada lagu dagaalamay oo an kor soo xusnay.

Ciidamada Kumaandooska dowladda oo taageero ka helayay kuwa Mareykanka ayaa horay weeraro qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay inuu bilaaban doono Jubbooyinka howl gallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo howl galkan la sheegay in ciidamada dowladda ku taageerayaan Ciidamada AMISOM iyo dalal saaxibo la ah DFS.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment