3375 Views

Dad gaaraya toban ruux oo lagu dilay magaalada Munich.

Dad gaaraya toban ruux oo lagu dilay magaalada Munich.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 22, 2016: Wararka naga soo gaarayaa dalka Jarmalka, ayaa sheegaya in dad gaaraya 10 ruux, lagu dilay rasaas ka dhacday xarun ganacsi oo ku taal magaalada Munich dalka Jarmalka iyadoo howlgalo ay ka wadaan ciidamada Booliska dalka Jarmalka.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in la go’odoomiyay deegaanka ay xaruntan ku taal oo lagu sheegay magaceeda Moosach balse ma jiro faahfaahino dheeri ah oo ku saabsan rasaastan ka dhacday goobta ganacsiga iyo ciddii ka dambeeysay.

Ciidamada ammaanka ayaa feejignaan la geliyay dalka Jarmalka tan iyo markii qof midi wata uu ku weeraray dad rakaab ah oo saarnaa tareen Isniintii an soo dhaafnay.

Diyaarado helikabtaro ah ayaa dul wareegayo halka ay dhibaatadaan ka dhacday iyadoo shaqaalaha xaruntaas ganacsina aysan awoodin inay ka baxaan. Booliska magaalada Munich ayaa u sheegay dadka inay ka fogaadaan deegaankan dadka lahu laayay.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment