4068 Views

Dagaal xalay ka dhacay Ceelasha Biyaha

Dagaal xalay ka dhacay Ceelasha Biyaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 22, 2016: Waxaa na soo garay in xalay, Dagaal u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab, uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ah deegaanka Ceelasha Biyaha.

Sida ay ku soo waramayaan dadka deegaanka, dagaalka ayaa ka dambeeyay markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada AMISOM ku lahaayeen halka lagu magacaabo Arbacow oo Ceelasha Biyaha an fogeeyn.

Waxaa kale oo la sheegayaa in dadka ay maqlayeen hubka noocyadiisa kala duwan oo la is weydaarsanayay, waxaana dagaalka uu socday muddo saddex saacadood ah.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo la sheegay inay jiraan dhaawacyo ka soo gaaray dad rayid ah oo rasaas wiifta ah ku dhacday.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dagaalka ka soo qaadeen deegaanada miyiga, waxaana uu ahaa dagaalkii ugu xooganaa muddooyinkan dambe.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay AMISOM, iyo sidoo kale maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo sheegaya dhibka inta uu la egyahay.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment