4056 Views

Al-Shabaab oo arrin aad looga naxay ka sameeyay gobalka Sh/Dhexe

Al-Shabaab oo arrin aad looga naxay ka sameeyay gobalka Sh/Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 23, 2016: Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa laga sheegay in Xarakada Al-shabaab ay dhibaatooyin ka wadaan Gobolka gaar ahaan Tuulooyinka hoos yimaada Cadale.

Cali Cabdulle oo ah ku simaha Guddoomiyaha Degmada Cadale, ayaa sheegay in Al-shabaab ay Gabar ka jareen Carrabka,sidoo kalena dab qabadsiiyeen tuulooyin badab oo ka tirsan Degmadaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa Khamiistii isaga baxay degaanka Masaajid Cali Guduud,waxaana la wareegay Al-shabaab,waxaana kadib ay billaabeen sida uu sheegay in ay Tuulooyinka dab qabadsiiyaan dhibaatan u gaystaan dadka shacabka ah.

Cal Cabdulle ayaa Xarakada Al-shabaab ku eedeeyay in ay dadka ula dhaqmayaan sida in aysan degaanka wax ku lahayn oo kale oo ay dab qabadsiinayaan guryaha ku yaalla degmadaas.

Ciidamada Dowladda ayuu sheegay in aysan ka fogeyn cadale laakiin ay adag tahay in ay ka hortagaan Ciidamada Al-shaab ee dhaq dhaqaaqa xooggan ka wada Gobolka Shabeellaha dhexe, taas oo DFS aysan doonayn in ay wax ka qabato

Dolwadda Federaalka ayuu ka dalbaday in ay Ciidamo dheeraad ah u dirto Gobolka si ay wax uga qabtaan Al-shabaab oo uu sheegay in ay ku sii fidayaan tuulooyinkaas dabna qabad-siinayo tuulooyinka.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment