3756 Views

Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo qarax ka badbaaday

Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo qarax ka badbaaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 23, 2016: Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo ah Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed, ayaa ka bad baaday qarax loogu xiray gaarigiisa, kaasoo ka dhacay banaanka Hotelka Wehliye ee ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Sayidka oo ah hotel caan ah.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa gebi ahaanba bur buriyay gaarigii uu watay Sheekha, iyadoo qaraxa uu dhacay, wax yar kadib markii uu ka degay gaarigiisa.

Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG, sidoo kale waxa uu aabe u yahay Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ceynte oo horay Aljaziira u shaqayn jiray.

Goob joogayaal ku sugnaa agagaarka Hotelka ayaa sheegay inay mar qudha maqleen qarax xooggan, oo ahaa gaari yaallay banaanka hotelka, ma jirin wax khasaare ah oo uu geystay qaraxa oo shacbi ah.

Qaraxyada lagu xiro baabuurta gaarka loo leeyahay ayaa ku soo kordhayay magaalada Muqdisho, iyadoo horay loogu dilay qaraxyadaas Wariyeyaal, saraakiil ciidan, Ganacsato iyo dad kale taas oo Dowladda Soomaaliyeed an waxba ka qabanin dhacdooyinkaan.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment