3261 Views

Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay dad howl gallo lagu soo qabtay

Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay dad howl gallo lagu soo qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 23, 2016: Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa faah faahin dheer ka bixisay howl gallo ciidamada ammaanka ka sameeyeen Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo qabtay dad ka badan 200 ruux.

A C/kaamil Macalin Shugri, fhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in howl galkan ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, laguna soo qab qabtay dad gaaraya 212 qof.

“Howl galada Ciidamada Amniga sameeyeen waxaa lagu soo qabtay dad badan oo gaarayay 250, dadkaas waxaa laga soo dhex saaray 3 ruux looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab”ayuu yiri C/kaamil.

Waxaa uu intaa daray in saddexda ruux la marsiin doono baaritaano dheeraad ah, isla markaana ay haatan gacanta ku hayaan hey’adaha ammaanka, lana marinayo sharciga.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida, howl gallo xiriir ah ka waday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, inkastoo howl galada socdaan hadana waxaa magaalada ka dhaca weeraro Al-Shabaab ay geystaan oo an wax badan laga qabanin.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment