3951 Views

Askarta DFS ee Muqdisho oo digniin la siiyay

Askarta DFS ee Muqdisho oo digniin la siiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 24, 2016: Maamulka gobolka Banaadir ayaa cadeeyay in ay tilaabo qaadi doonaan askarta wadooyinka dhigta jidgoysyada, kuwaas oo dadka baada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulada degmooyinka looga baahanyahay in ay wax ka qabtaan askarta dhigta isbaarooyinka wadooyinka Muqdisho.

Afhayeenka Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay in duqa Muqdisho uu amar ku bixiyay in xilka laga qaado gudoomiyihii isbaaro la dhigto degmada uu asagu maamulo.

Askar badan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyay in ay isbaaro dhigtaan wadooyinka Muqdisho in kasto DFS aysan askartaas xuquuqdoo siinin.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment