3060 Views

Ilaalada gaarka ee madaxtooyada Turkiga oo la kala diray

Ilaalada gaarka ee madaxtooyada Turkiga oo la kala diray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 24, 2016: Ra’iisul Wasaaraha Turkiga ayaa sheegay in la kala diray Ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada, kadib markii 300 ka mid ah la xiray maalin dhoweed.

Binali Yildirim ayaa ku dhawaaqay in wixii hada ka dambeeya aan loo baahneyn Guutada Ilaalada Madaxtooyada, kuwaasoo lagu eedeynayo inay qeyb ka ahaayeen afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay waddanka Turkiga.

Tirada Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ayaa gaaraya 2,500 askari, iyadoo 283 ka mid ah loo xiray qalalaasihii ka dhashay isku daygii afgambiga ee la rabay in Dowladda Turkiga lagu rido.

Howl galada lagu xir xirayo dadka xiriirka la leh ama ku lug lahaa isku daygii afgambiga ee fashilmay ayaa halkiisa ka sii socda, ila laga daahiriyo waddanka.

Muhammet Sait Gulen oo uu adeer u yahay wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen ayaa lagu xiray magaalada Erzurum ee ku taala waqooyi bari Turkiga.

Wakaalada wararka ee Anadolu ayaa sheegtay in wiilkan adeerka u yahay Gulen loo soo qaaday magaalada Ankara, si su’aalo loo weydiiyo oo loo hubsado in halka uu taagnaay afgambigi fashilmay.

Madaxweynaha Turkiga Recep tayyib Erdogan ayaa qaaday tallaabooyin adag oo uu uga jawaabayo isku daygii afgambiga, iyadoo shaqada laga ceriyay kumanaan shaqaale, lana xiray iskuulo, goobo caafimaad, iyadoo xabsiga la dhigay kumanaan ruux ay ku jiraan ciidan iyo saraakiil, ka dibna bandow lagu soo rogay Waddanka Turkiga.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment