3663 Views

NISA oo qabatay gaari waxyaabaha qarxa la soo buuxiyay

NISA oo qabatay gaari waxyaabaha qarxa la soo buuxiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 24, 2016: Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa xalay qabatay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay oo la dhigay wadada geesteeda. 

Gaarigan oo ahaa kuwa loo yaqaano NOAH ayaa la dhigay agagaarka wadada Boondheere, iyadoo markii dambe dadka oo ka shakiyay ku wargeliyay Ciidamada NISA.

Guddoomiyaha Boondheere, Qaasim Cabdulle Xasanayaa sheegay in qaraxan la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka rayidka ah ee an waxba galabsan.

“Gaarigan waxaa saarnaa qarax aad u ballaaran, fuusto aaladaha qarxa ku jira, rasaasta qoriga RBG, suujino iyo jawaano birar iyo boolal ku jiray”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Boondheere.

Gudoomiyaha ayaa uga mahad celiyay shacabka in markii gaariga ay arkeen, kana shakiyeen ku wargeliyay ciidamada, iyadoo markii la baaray laga helay waxyaabaha qarxa oo kala duwan.

Ciidamada Nabadsugida ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho ku qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo, in kastoo ila hadda NISA ay u taag la’adahay nabad-gelyada magaalada Muqdisho.

gaari-qaraxgaari-qarax-2gaari-qarax4

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment