3492 Views

Wafdi ka socday Booliiska Maraykanka oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi ka socday Booliiska Maraykanka oo Muqdisho soo gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 24, 2016: Wafdi ka socotay Boliska dalka Mareykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxa ayna ay kulan la qaateen madaxweynaha iyo sidoo kale ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali.

Sababta ay u soo gaareen Muqdisho saraakiisha ka tirsan booliska dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay tahay xoojinta iyo wadashaqeynta ka dhexeysa booliska labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka.

Saraakiishaan oo kala ah Hugo McPhee iyo John M. Harring ayaa sheegay in dowladda Mareykanka oo horeyba dhinaca tababarada ka caawineysey Soomaaliya, ay haatan diyaar u tahay inay bilowdo barnaamijyo ay labada dal isku weydaarsanayaan khibradaha shaqo iyo tiknoloojiyadda casriga ah ee cusub.

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladdaha taageera dowladda Soomaaliya, waxaana dhowr jeer ay dowladda Mareykanku ay sheegtay in ay ka qeyb qaadanayso dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, balse arrintaas weli ma aysan hirgelin.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment