3336 Views

“Wasaaradda A. Gudaha waxay ku mashquulsan tahay kaarar bixinta odayaal faalso ah”

“Wasaaradda A. Gudaha waxay ku mashquulsan tahay kaarar bixinta odayaal faalso ah”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 25, 2016: Mudane Axmed Macalin Fiqi, oo ka mid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed eeSoomaaliya, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay wado qorshayaal ay ku afduubeyso doorashada soo socda ee 2016.

Fiqi ayaafarta ku fiiqay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, inay kaarar aqoonsi ah siisay Odayaal been abuur ah, taasoo uu xusay in la doonayo in lagu musuq maasuqo doorashada soo socota.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay jufo walba ka qorteen Nabadoon iyo odayaalo faalso ah, waxayna maalmahan ku mashquulsan tahay inay kaarar aqoonsi ah siiso, waxaa la rabaa in doorashada lagu musuq maasuqo, qof iyo cod waa la diiday, odayaasha saxda ahaa waa lagu kalsoonaan waayay, waqtigii saxda ahaa wax waa la qaban waayay, xagee loo socdaa”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Mudane Fiqi ayaa sheegay in markii laga tashan lahaa siyaasada oo dadka ay xog heli lahaayeen, ay soo baxday warqad ka timid Wasaaradda Amniga oo lagu joojinayo kulamada wada tashiyada ee Hotelada lagu qabanayo, isagoo soo qaatay kulan ay todobaadkii hore yeelan lahaayeen odayaal dhaqameedyo oo ciidamada ammaanka is hor-taageen kana joojiyeen kulankooda.

“Waxaa socota anaga hadaan nala dooraneyn, dalkan meeshuu rabo haka baxo, Madaxweyanaha waa musharax, Ra’iisul Wasaaraha waa musharax iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka isagana waa musharax, waxay rabaan rabitaankooda inay nagu hagaan”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Fiqi ayaa sheegay inay dacwad u gudbinayaan Maxkamadda sare, isla markaana amarada ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee lagu joojinayo kulamada siyaasadeed ay yihiin kuwo aan sharci aheyn.

Dad badan ayaa isweydiinayo oo la yaaban Axsaabtaan oo ayagaba an sharciyeesnayn oo weli an Barlamaanka soo marin, siday u dacaweynayaa DFS. Sow ma haboonayn in marka hore ayaga la sharciyeeyo.

Dhamaadka sanadkan ayaa waxaa lagu wadaa in doorashooyin ka dhacaan dalka, iyadoo xilka Madaxweynaha ay isku soo sharaxeen musharaxiin fara badan, kuwaasoo olole siyaasadeed ka wada gudaha dalka iyo dibadiisa, ayaga oo isku garbinaya halka Kursi ee madaxtinnamada.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment