3345 Views

Wasaaradda Amniga oo amar ku bixisay in an shirar lagu qaban karin Hotelada

Wasaaradda Amniga oo amar ku bixisay in an shirar lagu qaban karin Hotelada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 25, 2016: Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa soo saartay amar ku aadan in shirar siyaasadeed aan lagu qaban karin Hotelada Muqdisho, iyadoo digniin u jeedisay Milkiilayaasha Hotelada iska leh.

Go’aankaan, ayaa u muuqata mid looga gol leeyahay arrimo siyaasadeed, waxaana xubnaha axsaabta siyaasada ku tilmaameen mid la doonayo in looga hor-istaago ololaha doorashada ee ay wadaan musharaxiinta, in kastoo an la ogayin tiradooda.

C/kaamil Macalin Shugri, ah afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa faah faahin ka bixiyay amarka ka soo baxay Wasaaradda, isagoo xusay in arrinta aanay aheyn mid siyaasadeed, balse ay la xiriirto arrimo amni iyo fitno laga abuurayo shacbiga gudahiisa.

“Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa ka soo baxay amar ah in hadii kulamo la qabanayo ay ka dhacdo goob ammaan ah, iyo in Wasaaradda Amniga lagu soo wargeliyo, si ammaanka loo sugo, ma ahan in arrinta si kale loo dhigo”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha.

Qoraal todobaadkii hore ka soo baxay Agaasimaha Wasaaradda Amniga ayaa loogu baaqay Hotelada in aan lagu qaban karin kulamo siyaasadeed aanay ka war heyn Wasaaradda, iyadoo hoteladii u hoggaansami waayo amarkaas la faray in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Xubnaha Axsaabta siyaasada ayaa ku tilmaamay in amarkaas uu ka hor imaanayo dastuurka, maadaama dastuurka uu dhigayo in la qaban karo kulamo, isla markaana lagu soo beegay waqti la galayo doorasho, waxaana si gaar ah arrintan ugu eedeeyeen Madaxweynaha oo isna musharax ah. Wax badan oo naxli ah ayaa beryahaan dambe ka socday magaalada Muqdisho.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment