3741 Views

Qaraxyo ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho o

Qaraxyo ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho             o
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 26, 2016: Baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu qarxiyay labo koontarool oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wararka na soo gaaray ayaa sheegaya in qaraxa hore uu ka dhacay agagaarka idriddahore ee lagu magacaabo Madina Gate oo ah koontarool laga galo dhinaca Xalane, halka qaraxa kalena uu ka dhacay Koontarool ay ku sugnaayeen Ciidamada Nabadsugida oo ku dhow dhinaca Isgoyska Dan-wadaagta, halkaas oo ah meesha gawaarida is taagto.

Qaraxa kowaad ayaa ahaa mid aad u xooggan ee laga maqlay magaalada oo dhan, waxaana uu ahaa gaari kuwa xamuulka ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaas oo doonayay in uu dadka argaagax ku rido.

Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ka hor inta uusan qarxin gaariga rasaas ku furay, gaari xawaare ku socday oo xoog ku soo gudbay kontrolka.

Goob joogayaal ku sugnaa gudaha garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in qaraxaas saameyntiisa laga dareemay garoonka gudihiisa, isla markaana qeybo ka mid ah gudaha garoonka uu bur bur soo gaaray, muraayadaha qaarna ay soo daateen, gaar ahaan qeybta VIP-da

Waxaa la sheegayaa in khasaarooyin ka dhashay qaraxyadan, waxaana dadka ku dhintay ku jiray Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM. War hor dhac ah ayaa sheegayaa in dadka ku dhintay ay gaarayaan ila 12 ruux, dhaawaca-na intaas wuu ka badanyahay.

Baabuurta Ambalaasta ayaa ku socdo goobta qaraxyada ka dhaceen, si ay u soo qaadaan dadka ku dhaawacmay.

Telefishinka Al-Jazeera ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyada qaraxyada ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, balse faahfaahin dheeraad ma aysan ka bixinin.

Ma jirin dabley hubeysan oo lug ku soo gashay meelaha qaraxyada ka dhaceen, sida horay looga bartay weeraradii lagu qaaday Hotelada Muqdisho iyo xarumaha dowladda.

Xarunta Xalane oo ku yaala xeyndaabka garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku yaal Xafiiska UN-ka iyo qaar ka mid ah safaaradaha reer galbeedka, halkaas oo mararka qar lagu qabto fadhiyada waaweyn.

qaraxa-xalaneqaraxa-xalan

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment