3549 Views

Wasaaradda Amniga DF oo digniin cusub Soo Saartay

Wasaaradda Amniga DF oo digniin cusub Soo Saartay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 27, 2016: Wasaarada Amniga Gudaha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta wixii ka dambeeya aan la xigan karin cid aan Wasaarada Amniga aheyn.

Wasaarada Amniga ayaa shaacisay in aysan ogoleyn cid an ka tirsaneyn Wasaarada Amniga in ay ka hadasho dhacdooyinka mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho gudaheeda.

C/kaamil Macalin Shukri,afhayeenka Wasaarada Amniga oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya Wasaarada Amniga ay ka hadli doonto wararka la xiriira amnig inta hada kadib waqti iyo xilli gaar ah oo ay kula soo xiriiraan Wasaarada Amniga loo sameyn doono, si faah faahin looga siiyo dhacdooyinka amniga la xiriira ee Muqdisho ka dhaca mar mar.

Afhayeenka, ayaa sidoo kale sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu qeyb ka yahay sugida amniga magaalada Muqdisho balse uusaan ka hadli karin dhacdooyinka ka dhaca magaalada Muqdisho. Arrintaan ayaa la isku haysto Wasaaradda Amniga iyo Gobolka Banadir.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment