5544 Views

Xildhibaan Saalax Badbaado oo fuliyay qaraxii agagaarka Garoonka Diyaaradaha

Xildhibaan Saalax Badbaado oo fuliyay qaraxii agagaarka Garoonka Diyaaradaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 27, 2016: Kooxda Al-Shabaab ayaa caawa sheegtay in Saalax Badbaado oo horay u ahaan jiray Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG uu ahaa ninkii fuliyayqaraxi ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. 

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay codka mid ka mid ah raggii fuliyay weeraradii is qarxinta ahaa ee ka dhacay saaka nawaaxiga garoonka diyaaradahaee magaalada Muqdisho.

Cod laga duubay ka hor inta uusan fulin weerarka ayaa Saalax Badbaado uga hadlay weerarka uu fulinayo iyo ujeedka ku jirta, isagoo dardaaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalyahanada Al-Shabaab uu ka mid ahaa.

Sidoo kale waxaa uu fariin u diray shacabka ka soo jeeda deegaanada Gobolada Waqooyi ee Somaliland, halkaasoo uu deegaan ahaan ka soo jeedo Badbaado.

Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) ayaa ka mid ahaa Baarlamaankii KMG, waxaana sanadkii 2010 uu ka goostay Baarlamaanka, kuna biiray Al-Shabaab, ayada oo an la ogayn sababti ku kalliftay.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment