3153 Views

Prof. Jawaari oo lagala hadlayo ansixinta Sharciga doorashooyinka

Prof. Jawaari oo lagala hadlayo ansixinta Sharciga doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 28, 2016: Mudane Cumar C/rashiid, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu kala hadlayo sidii Baarlamaanka uu u meel marin lahaa hindise sharciyeedka doorashada dalka ka hor inta an la xirin fadhiga Barlamaanka.

Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay munaasabad lagu maamuusayay sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegatay markii la sameeyay Guddiga doorashooyinka oo shalay lagu qabtay magaalada Muqdishooo Caasimadda Dalka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay dooneyso in la meel mariyo Hindise sharciyeedka doorashooyinka, si doorasho xalaal ah dalka uga dhacdo, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Sharciga doorashooyinka waxaa ku dadaalaynaa in laga gaarsiiyo ka hor inta Baarlamaanka xirmin, walow habka baarlamanaka wax u gudbiyo ay tahay akhrinta 1aad, 2aad iyo 3aad, Guddoomiyaha marka uu yimaado waa ka wada fariisaneyna bal sidii arrintan loo meel marin lahaa, maadaama waqtiga yar yahay”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga sii shaqeeyo qorshaha dalka lagu gaarsiinayo doorashada 2020 ee ah hal qof iyo hal cod, isagoo xusay in Guddiga doorashada ee ay madaxda u tahay Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) ay ku casuumi doonaan kulanka soo socota ee Madaxda Madasha Wada-tashiga ay ku yeelan doonaan Muqdiaho.

Fadhiyadii Baarlamaanka ayaa gaabis ku yimid, tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh bishii May ee sanakdna uu soo saaray xeer uu ku meel mariyay go’aan ka gaarida doorashooyinka sanadkan ee ay isla gaareen Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran.

Arrintaas waxa ay keentay in xubnaha Baarlamaanka ku tilmaameen in awoodihii sharciga ahaa ee Baarlamaanka uu la wareego Madaxweynaha, taas oo ay ku mujinayeen in ay ka careeysanyihiin tallabta u qaaday Xasan Sheekh.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment