4191 Views

Xildhibaanada Barlamaanka Cusub 2016 Ee Al-Shabaab “XASAASI”

Xildhibaanada Barlamaanka Cusub 2016 Ee Al-Shabaab “XASAASI”
____________________________________________________________________________

28 JULY – Kulan saacado ka hor ka dhacay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga soo saaray digniin la xiriirta in DFS iyo Maamul Goboleedyada dalka ay Baarlamaanka cusub usoo wakiishaan Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Kulankaani oo ay ku dhamaayen inta badan Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu muujiyay walaaca ay ka qabaan in maleeshiyaadka Al-shabaab adeegsadaan Xildhibaanada cusub, waxa ayna wakiiladu carab dhabeen suuragalnimada in Kooxda ay xubno ku dhexyeeshaan Baarlamaanka imaan doona.

Wakiiladu waxa ay sheegen in Al-shabaab ay ku dhiiraneyso inay bedesho waxyaabihii looga bartay islamarkaana ay suuragal tahay inay amni darada Somalia, ay u adeegsadaan shaqsiyaadka aan laga fileynin.

Sidoo kale, waxa ay kulankooda ku sheegen in siyaasada Al-shabaab ay aad uga fogtahay tan ay adeegsato dowlada Federaalka ah ee Somalia, sidaa aawgeedna ay suuragalinkarto inay jahwareer galiso Hay’adaha amaanka maadaama ay isbedel cusub ku sameeyen amni darada ay kawadaan magaalada Muqdisho iyaga oo adeegsanaaya wajiyo cusub.

Dhanka kale, waxa ay isla soo hadalqaaden qaababka ay u shaqeeyan Hay’adaha amniga Somalia, waxa ayna aad u dhaliileen sida ay wax u wadaan iyaga oo ku taliyay in waxbadan laga bedelo amniga magaalada Muqdisho iyo qaabka ay howsha u socto.

Source: http://www.xogtamedia.com/

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment