7425 Views

Bandhiga Jimcaha iyo Maanta Heesaha Qaraamiga.

Bandhiga Jimcaha iyo Maanta Heesaha Qaraamiga.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 29, 2014 – Barnamaijka bandhiga Jimcaha oo aad Maanta oo kale nooga barateen inaan idiin soo gudbino Waa Barnaamij Xauus u ah ex Barnaamijkii Bandhiga Radiyaha ee ka bixi jiray Maalin kastoo Jimcaha ah oo laga nasanayo Howlaha.

Barnaamijka Todobaadkaan Heesaha aan ku soo qaadan doono waa Heesihii Qaraamiga ee Waayo waayo,waxaana barnaamijka Heesaha Jicahaan aan idinkugu heyno ay kala yihiin.

Gaduudo Carwo          vs        Shamis  Abokar  (Gaduudo Carwo )

Miyi Iyo Magaalo         vs        Baashe Sheekh Yuusuf

Jowhara Luula             vs         Khadiijo Cabdulaahi Daleys

Bari Hore                     vs        AUN Maxamed Jaamac Joof iyo Maryan Mursal Ciise

N.B Xaga  Qaabeynta iyo Farsamada  Barnaamijka Bandhiga Jimcaha Waxaa Gacan weyn ka geystay hal abuuraha Soomaaliyeed Abwaan Cali Axmed Daameey’ Cali Ilkocase’ waana tabintii iyo soo gudbintii Axmed Maxamed Cabdulle ‘Uurdoox’

Waxaan idiin soo Gudbineynaa Miraha Heesta 4 ee Maanta ana ku soo Qaadanay Barnaamijka Bandhiga Jimcaha waana heesta la magac baxday Beri Hore

Beejka 1 AUN Maxamed Jaamac Joof

Beri hore waxaa jiray
Inan timaha dibtoo
Baarkana u tidicdoo
Boqorkiyo dhaclahiyo
Maro beyle xiratee

Wax badaley kuwii hore
Belo geesa dheeroo [ ]
Buur madaxa saartoo
Suuqa baratamaayee

Naa bi’ise dhaqankii
Sharcigii ka beyroo
Diintii burburiseen
Habloow maad is barqabataan

Beejka 1 Maryan Mursal Ciise

Boqol sano horteediyo
Beri hore wixii jiray
Ee la iska baal maray
Budulkii dib u ha u qaban
Laga soo baqoolee

Hadaad baratamin orod
Bisha iyo cadceediyo
Beesha loo horseedoo
Aanu beegsaneynaa

Horta baro tacliintiyo
Buugiyo dhigaalkoo
Badowyahoow dib ha u celin [ ]
Dadka soo baraarugey

 Beejka 2 AUN Maxamed Jaamac Joof.

Naa bi’ise dhaqankii
Sharcigii ka beyroo
Diintii burburiseen
Habloow maad is barqabataan

Beejka 2 Maryan Mursal Ciise

Ilaahii bad iyo wabi
Biyahooda daadshee
Meel kula balamayee
Dhulka baaxadaliyo
Buuraha rakibeybaa

Bini aadamgiisana
Ruuxba ay u beere
Waad baadiyowdee
Cidi kulama beyrine

Horta baro tacliintiyo
Buugiyo dhigaalkoo
Badowyahoow dib ha u celin
Dadka soo baraarugey

Beejka 3 AUN Max’ed Jaamac Joof

Beri hore waxaa jirey
Inan baarax geeliyo
Faraskii baxdoowaba
Yarad looga bixiyaa
Bunduqana la raacshaa

Wax badaley kuwii hore
Isu bogga bar maqanoo
Bahdii ay ka dhalatiyo
Beylihisey waanee

Naa bi’ise dhaqankii
Sharcigii ka beyroo
Diintii burburiseen
Habloow maad is barqabataan

Beejka 3 Maryan Mursal Ciise

Baarax geela iyo faras
Iyo boqon yaraha ari
Hablihii lagu badali jiray
Diinta aynu baraniyo
Ma baneyn kitaabkuye

Booli quutayaashii
Biicsan jirey haweenkiyo [ ]
Baxadsoorihii tagay
Maanta looma baahnee

Horta baro tacliintiyo
Buugiyo dhigaalkoo
Badowyahoow dib ha u celin
Dadka soo baraarugey

.

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’

Uurdoox2016@gmail.com

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment