3543 Views

Dad fara badan oo Soomali ah, oo ku xayiran garoonka Diyaaradaha Istanbul

Dad fara badan oo Soomali ah, oo ku xayiran garoonka Diyaaradaha Istanbul
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 30, 2016: Soomaali farabadan oo ay diyaaradda Turkish Airlines ka soo daad-guraysay daafaha Caalamka, kuna sii jeedey Muqdisho, ayaa ku xayiran Istanbul.

Dadkaan ayaa waxaa ka mid ah qoysas badan oo soomaali ah, kuwaas oo transit ku ahaa garoonka diyaaradaha ee Istanbul oo halkaas ku xayirmay kadib markii ay diyaaradda Turkish Airlines si kadis ah u hakisay dhammaan duulimaadyadii ay ku aadi jirtey Magaalada Muqdisho.

Sababta arrintaas keentay ayaa ah qaraxii maalintii talaadada ka dhacay meel ku dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qaar ka mid ah dadka ku xayiran Istanbul ayaa sheegay in shaqaalaha diyaaraddu ay sheegeen in aysan jiridoonin dulimaadyo Muqdisho ah maalmaha soo socda, taas oo qoysas ay dhibaato aad u badani halkaasi ku haysato maadaama qosaska qaarkood ay wataan carruur aad u yar-yar oo wax kasto halis u noqon karto.

Dadkaas ku xayiran Istanbul ayay diyaaradda Turkish Airlines, ka soo qaadday Yurub,Maraykan,Kanada iyo Australia iyada oo lagu jiro xilliga fasaxa iskuulada oo ay dad badan oo soomaali ihi carruurta keenaan dalka, si ay fassaxa ugu dhameeystaan.

Turkish Airlines waxaa loo qaatay in duulimaadyada Muqdisho, ay gabi ahaanba iska joojiso, marba haddi aysan qanci karin Rakaabka ay ka soo qaaday waddamadi ay daganaayeen.. Yaa msu’ul ka ah hadii dadkaas ay dhibaata gaarto gaar ahaan carruurta yar yar ee an xamili-karin Cimillada kala duwan??

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment