3522 Views

Guddiga hirgelinta doorashada oo qorshahooda gudbiyay.

Guddiga hirgelinta doorashada oo qorshahooda gudbiyay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 30, 2016: Guddiga doorashada ee Federaalka ayaa la malaynayaa in qorshahooda ugu dambeeya ee doorashada u gudbiyaan Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran, kuwaas oo 2-da bisha Agosto shir uga furmaayo Muqdisho.

Guddigan oo uu madax u yahay Avv. Cumar Dhagey oo ah La Taliyaha Madaxweynaha ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo la lahaa xubnaha Beesha Caalamka, iyagoo u gudbiyay qorshayaashooda la xiriira taaba gelinta doorashada iyo xeerarka ay saldhiga uga dhigayaan doorashooyinka dhici doono.

Guddigan ayaa la sheegayaa in ay hor dhogi doonaan shirka Madasha Wada-tashiga qaran, codsi ku saabsan in labo bilood, dib loo dhigo doorashada, maadaama xilliga la heysto uu aad u yaryahay, howlo badanne ay dhiman yihiin.

Guddigan oo horay shir ula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating, u gudbiyay qorshahooda ugu dambeeya oo ah, in doorashada aysan dhici karin watigi loogu tala galay.

Waxan ognahay in Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay ku adkeysanayaan in doorashada ay dhici doonto waqtigii loogu tala galay, hadana waxaa jira calaamado muujinaya in doorashada ay dib uga dhici karto waqtigeeda.

Sida la sheegay howlihii la qaban lahaa ay dib u dhacyo ku timid, gaar ahaan jadwalkii horay loo soo dajiyay oo aan haba yaraate waxba laga qaban.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda Dowlada, ayaa ka cabsi qaba in doorashada ay waqtigeeda dib uga dhacdo, isla markaana ay timaado marnaan xaga maamulka dowliga ah, maadaama madaxda talada heysa xilkooda ku eg yahay 10-ka bisha September 2016.

Waxaa la filayaa in shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee Hoggaamiyeyaasha dowladda Dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay go’aano kale oo ka duwan kuwi hore, ay la yimaadaa.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment