3711 Views

Kenya oo lagu cadaadiyay Inay furto xadka Soomaaliya

Kenya oo lagu cadaadiyay Inay furto xadka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 30, 2016: Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya, ayaa ka dalbaday dowladda Kenya in ay furto xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay isku gudbaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa xorta ah ee labada shacbi.

Cabaas Sheikh Mohamed oo ka mid ah Xildhibaanka laga soo doorto Bariga magaalada  Wajeer, ayaa ugu baaqay dowladda Kenya, in ay in dib u furto xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, si uu dib ugu soo laabto ganacsiga ka dhaxeeyay bulshada ku nool dalka Kenya iyo sidoo kale bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan degmooyinka xuduudka la leh dalka Kenya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay xiritaanka xuduudka ay wadaagaan labada dal aysan joojin karin weerarada joogtada ah oo ay Al-Shabaab ka geystaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Waxa uu carabka ku dhuftay in, tan iyo markii ay timid xiritaanka xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya in uu cuuryamay ganacsigii ka dhaxeeyay labada dal.

Ururka Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya , tan iyo markii bishii October  ee sanadkii 2011 ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya ciidanka dowladda Kenya kaas oo ku biiray AMISOM.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment