2868 Views

“Nabad raadinta Soomaaliya halis ayay ku jirta, hadii aan la sii wadin maal gelinta AMISOM

“Nabad raadinta Soomaaliya halis ayay ku jirta, hadii aan la sii wadin maal gelinta AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 30, 2016: Aamina Maxamed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka in la sii wado maalgelinta howl galka AMISOM ee Soomaaliya, hadii la rabo in nabad waarta laga gaaro Gobolka Geeska Afrika.

Khudbad ay ka jeedisay kulanka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee ka dhacay  New York, ayeey ku sheegtay in loo baahan yahay in la taageero Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Waxaa ay walaac ka muujisay mushaar dhimista lagu sameeyay Ciidamada AMISOM, iyadoo xustay in hadii la doonayo in nabad laga dhaliyo Soomaaliya iyo Gobolkaba in la sii wado taageerida dhaqaalaha ee AMISOM loo fidiyo.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in mushaar dhimistii uu sameeyay Midowga Yurub ay keentay caqabado, waxaana ay ka dalbatay Golaha Ammaanka inay fiiro gaar ah u yeeshaan arrintan ku saabsan AMISOM.

Midowga Afrika ayaa dhowaan ka dhimay 20% mushaarkii la siin jiray Ciidamada AMISOM,  taasoo caqabad ku noqotay in ay gutaan wajibkooda.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment