6933 Views

Qaraxyo lagu weeraray Xarunta Dambi baarista CID

Qaraxyo lagu weeraray Xarunta Dambi baarista CID
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 31, 2016: Warar ka soo baxaya qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu weeraray xarunta CID-da ee dambi baarista Booliska Soomaaliya,ayaa sheegaya in ciidamada booliska ay toogteen dabley isku dayday inay gudaha u galaan xarunta.

Qaraxyadaan oo ahaa kuwo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ahaa mid laga maqlay magaalada iyo agagaarkeeda.

Qaraxi ugu horreyaya ayaa lala beegsaday afaafka hore ee xarunta, halka qaraxa labaad uu ka dhacay agagaarka dhismaha dhismaha CID ee ku yaal laamiga afkiisa hore.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan sideed ruux ay ku dhinteen qaraxa, inkastoo ay intaas ka badan karaan, maadaama wadada qaraxa ka dhacay ay aheyd mid mashquul ah oo gaadiidku marriin u ah..

Qaraxa ayaa saameeyay mooto bajaaj wadada mareysay iyo baabuur kale, waxaana nawaaxiga xarunta CID ka muuqday bur burka gawaaridii qaraxa fulisay iyo kuwa kale.

Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegaya in durbaba ciidamada ammaanka ay soo afjareen howl galka, ka hor inta aanay isku dayin dableyda hubeysan inay gudaha u galaan xarunta CID-da.

Xarunta CID ayaa ku taala inta u dhaxeysa Isgoysyada KM5 iyo KM4, waxayna ka soo horjeedaa Hotelka Saxafi oo kol hore Al-Shabaab weerar lagu qaaday.

CID-da, ayaa lagu xiraa dadka loo soo qabto dambiyada kala duwan, sidoo kale waxaa lagu qaadaa faraha dadka doonaya inay baasaboor sameystaan.

Waa weerarkii labaad oo todobaad gudihiis ka dhaca magaalada Muqdisho, Talaadadii la soo dhaafay ayay aheyd markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, kasoo keenay in dayaradda Turkish Airlines ay joojisay duulimaadki ay ku imaan-jirtay.

Sidaas darteed ayaa Somaali badan ku xayirmeen garoonka magalada Istanbuul.

qarax-cid1qarax-cidqarax-cid2

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment