3183 Views

Guddiga Doorashada oo goor dhow shir jaraa’id qabanaya

Guddiga Doorashada oo goor dhow shir jaraa’id  qabanaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 1, 2016: Guddiga hirgelinta doorashooyinka Federaalka, ayaa mar dhow qabanaya shirkoodii jaraa’id ee ugu horeeyay, tan iyo maalinti la magacaabay.

Guddigan oo beryahaan dambe shir wada tashi la lahaa wakiilada beesha Caalamka, ayaa shirkooda jaraa’id kaga hadlaya arrimaa doorashooyinka, iyadoo 19 maalmood ka harsan tahay waqtiga loogu tala galay in la soo xulo Barlamaanka cusub.

Warar ayaa sheegaya in Guddigan uu soo gudbin doonaan qorshahooda ugu dambeeya ee qabsoomida doorashada.

Guddigan  ayaa qorshahiisa u soo gudbin doono Madaxda Madash wada-tashiga qaran oo dhawaan shir ku yeelanaya magalada Muqdisho.

Warar suuqa iyo meelaha shaaha la cabo, ayaa sheegaya in laga yaabo in waqti lagu daro doorashada, mar hadii an la gaari karin dorashada waqtigeedi loogu tala galay. Sidaas darteed ayeey lagama maarmaan u tahay in mudada la dheereeyo.

Wixi nagu soo kordha, shirka Jara’id, ayaan idiin kugu soo gudbin-doonnaa.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment