4557 Views

Gudoomiye Waaxeed oo lagu dilay degmada Yaaqshiid.

Gudoomiye Waaxeed oo lagu dilay degmada Yaaqshiid.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 1, 2016: Rag hubeysan ayaa xalay degmada Yaaqshiid ku dilay Gudoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaasi.

Waxaa la sheegay in Gudoomiye waaxeedka  ay dileen labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo goobta ka baxsaday, isla markii ay dilka gaysteen.

Ciidanka dowladda iyo maamulka Degmada Yaaqshiid ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo halkaasi ka sameeyay baaritaano ku aadan sida uu u dhacay dilka, balse aysan soo qabanin dadki dilka geeystay.

C/fataax Cumar Xalane oo ah afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in Gudoomiye Waaxeedka xalay lagu dilay degmada Yaaqshiid sidoo kalena ciidanka amniga ay ku raad joogaan kooxihii dilka geystay.

Dilka Gudoomiye waaxeedkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal mudooyinkii dambe magaalada Muqdisho, loogu geysanayay qaar ka mid ah Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah intaba.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment