4557 Views

Qowmiyada Amxaarada oo ka soo horjeesatay jiritaanka Dowladda Itoobiya

Qowmiyada Amxaarada oo ka soo horjeesatay jiritaanka Dowladda Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 2, 2016: Boqollaal kun oo ruux ka soo jeeda qowmiyada Amxaarada Itoobiya, ayaa dhigay dibad bax aad u ballaran oo ka dhan ah jititaanka dowladda Itoobiya, kaasoo ka dhacay magaalada Gondar ee ku taala waqooyiga Itoobiya.

Dibad baxayaashan ayaa ka soo hor-jeeda go’aanka dowladda oo doonayso in Gobolka  Xamraad ay hoos gayso maamulkaTigray.

Warbaahinta ayaa ku warameysa in dibad baxayaasha ay isku dhaceen ciidamada booliska, waxaana ku dhintay illaa toban ruux.

Dadweynaha isugu soo baxay magaalada Gondar ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan tallaabada dowladda, waxaana ay ku tilmaameen mid aan sharci aheyn oo Tigray-da gaar u ah.

Sidoo kale waxaa ay ku dhawaaqayeen halku dhigyo kala duwan oo ku aadan in dowladda hada jirta la bedelo iyo inuu dhamaado waqtigii keli taliska ahaa ee dowladda Tigray-ga.

Muddo ka hor, ayay aheyd markii dibad bax rabshado wata ay qowmiyada Oromada ka dhigtay duleedka magaalada Addis Ababa, markii deegaanadaas la hoos-geeyay Caasimada.

Itoobiya oo ay ku nool yihiin qowmiyado fara badan ayaa leh is maamul qowmiyad kasta, balse waxaa ay hoos-tagana dowladda Federaalka Itoobiya.

Waxaa dhow waqtigi ay Dowladda Itoobiya siyaasadeeda iyo dhaqaalaheed ay baab’i lahaayeen, degaanashada ay ku faani-jirtay-na, dagaal qoomiyadeed isku badali-lahayd.

amxaaro2amxaaro

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment