3462 Views

Raashinkii gargaarka ee Turkiga oo la iibsaday

Raashinkii gargaarka ee Turkiga oo la iibsaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 2, 2016: Waxaa la ogaaday oo soo if- baxay fadeexo ku saabsan in qeybtii raashinkii gargaaka Turkiga ee la geeyay Kismaayo la iibsaday, iyadoo Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin musuq maasuqa lagu sameeyay raashinkaas gargaarka ee loogu tala galay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.


Axmed Buule Canjeex oo ah Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ku eedeeyay Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan inuu iibsaday raashinkii gargaarka ee loogu tala galay Gobolka Gedo.

“Waxaan heynaa cadeymo in raashinkii Turkiga ugu tala galay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybtii Gedo in lagu iibsaday Kismaayo, waxaa iibsaday Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland, raashinka wuxuu ahaa 1,200 oo tan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Gedo.

Gudoomiye Buulle ayaa sheegay in raashinkaas loogu tala galay Gedo, isla markaana ay aheyd in la soo gaarsiiyo degmooyinka Gedo oo uu xusay in gebi ahaanba ay xor yihiin, maadaama Jubada Hoose iyo Jubadda Dhexe aanay dhamaan degmooyinkooda xor aheyn.

Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa iska fogeeyay eedeymahaas, isagoo xusay in aanay waxba ka jirin.

“Waa been arrintaas, raashin aan iibsaday ma jirto, raashinkaas sidii loogu tala alay ayaa dadka u gaarsiinay, shalay oo isniin ah ayaa qeybinteeda ka bilowday degmada Doolow ee Gobolka Gedo”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo lagu wareejiyay deeqdii uu Turkiga u soo diray Soomaaliya dhamaadkii bishii May ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday qeybinta raashinka gargaarka oo la gaarsiinayay maamulada qaar, hase ahaatee waxaa soo baxaya in aanay deeqdaas sidii loogu tala galay aanay dadka Soomaaliyeed u gaarin.

Raashinka dowlada Turkiga ay bixisay in la iibsaday dad badan oo suuqley ah ayaa sheegay, taas oo ka dhacday magallada Muqdishu gudaheeda. Dadki loogu talay way ka qadsanyihiin oo weli wax soo gaaray ma jiraan.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment