3783 Views

AMISOM oo askar ku maxkamadeynayso Muqdisho

AMISOM oo askar ku maxkamadeynayso Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 3, 2016: Waxaa weli ka socota Magaalada Muqdisho Maxkamadeynta 17 Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM kuwaas oo loo heysto eedeymo la xiriira in ay si sharci doro ah u iibaneyeen saanadda ciidanka kuwaas oo iyagoo fal dambiyeedkaasi ku dhex jira ay qabteen ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Uganda ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furtay edeeymahan loo heesto 17-ka Askari ee ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Askartii ay ciidanka Boliiska Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen iyagoo iibinayo shidaal iyo qalab AMISOM ay leedahay 5-tii Bishii June ee sanadkan tiradooda waxa ay aheyd 5 Askari oo kaliya laakiin kiiskan waxa uu lugaha la galay tiro intaa Saddex laab ka badan sida uu sheegayo Brig Dick Olum oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Uganda.

Shalay ayaa Maxkamadda dhageysatay eedeynta loo soo jeediyay iyadoo sidoo kalana su’aalo la weydiiyay marqaatiyaal maxkamadda la horkeenay si ay waxa ay ogyihiin u sheegaan.

Brig Dick Olum Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Uganda ayaa sheegay in Major Bob Francis Aring oo ahaa taliyihii Ciidamadaas haystay lagu Xakumay hal sano oo Xariga ah iyo hoos loo dhigo darajadii Ciidan ee uu lahaa, kadib markii ay ku cadaadeen eedeymihii loo heystay ama falki uu galay.

Maxkamadeynta Ciidamada AMISOM ayaa sii socon doonto, iyadoo Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Uganda uu balanqaaday in Cadaaladda la marsiin doono Askarigii ku xadgudba qawaaniinta ciidanka, dhamaana dib loogu celin doono dalka Uganda.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment