20454 Views

Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 03, Aug July 2016 (Villa Somalia) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaaladda Muqdisho shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkan Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ajandeyaasha looga hadli doono waxaa ka mid ah, Go’aan ka gaarida doorashooyinka 2016, Howlgelinta guddiyadda doorashooyinka 2016, Amniga guud ee qaranka Soomaaliya iyo arrimo kale.

shirka-madasha-wadatashiga-1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay furitaanka shirka madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in tallada Soomaalida ay ku jiro gacmaha Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada sida ay uga go’an tahay in dadka iyo dalkaba ay horray u soocdaan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya , mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gabagabada shirkan Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka soo bixi doonaan go’aanadii lagu hergelin lahaa doorashadda 2016.

shirka-madasha-wadatashiga-3 shirka-madasha-wadatashiga-4 shirka-madasha-wadatashiga-5

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment