3570 Views

Shirka Wada-tashiga Qaran oo shalay baaqday oo maanta furmaya

____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 3, 2016: Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran, ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo lagu go’aamin doono waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada, iyadoo uu jiro shaki ku aadan in doorashada ay dib u dhacdo illaa 2-bilood ama ka badan.

Qorshuhu ahaa in doorashada ay bisha September dhacdo, isla markaana Baarlamaanka la soo xulo 20-ka bishan Agosto. balse maanta waa muuqata in aanay suura gal aheyn xilliga la heysto in la qabto howlihii loogu gudbi lahaa doorashada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta si rasmi ah u furo shirka oo ka furmaya xarunta Madaxtooyada. Shirar gaar gaar ah ayaa xalay Madaxda Madasha ku yeesheen xarunta Madaxtooyada, waxaana shirarkan uu ahaa wada tashi fikrado la isku dhaafsaday.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka maanta furmaya uu yahay kii ugu dambeeyay oo Madasha yeelato, kaasoo uu ku tilmaamay in lagu dhameystirayo qodobo ka haray heshiisyadii hore ee la soo dhaafay.

Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in Madaxda ay mas’uuliyad iska saaraan masiirka umada, isla markaana la yimaadaan isu tanaasul, isbedel wax ool ah lala yimaado.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal ayaa qorshuhu yahay inay Madasha wada-tashiga qaran hor-geeyaan qorshahooda ugu dambeeya ka hor doorashada inta an gaarin.

Ururada Bulshada rayidka ayaa wal wal ka qaba in doorashada ay dib u dhacdo, maadaama howlihii la filayay in la qabto ka hor doorashada, aan la qaban, taasna ay suura gal ka dhigi karto in doorashada aanay dhicin waqtigii loogu tala galay, taasina waa wax macquul ah.

Qodobada shirka looga hadlayo iyo ajandayaasha hor-yaala Madaxda:-

Go’aan ka gaaridda iyo howlgelinta guddiyada doorashooyinka 2016:

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)

Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha  dorashooyinka aay ka dhacayaan (elder Mapping by State)

Musharaxiinta haddi kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?

Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga.

Dhisida iyo soo gudbinta Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn. Tusaale bisha September 1-da, 2016

Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan.

Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare gobolka Banadir iyo howl-galintooda

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka

Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee laba aqal ee Barlamaanka. Waxaa Madasha u soo bandhigaya farsamada lagu hubin karo qoondada dumarka Guddiga Safiirada Idman (Good will Ambassadors)

Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda  Doorashooyinka 2016.

Wada-hadalka arrimaha aminga guud ee qaranka Somaaliya:

Arrimaha Guddiga wadatashiga Horyaalla.

Aragtida fog ee Amniga qaranka Somalia iyo sidii lagu dhisi lahaa ciidan Soomaaliyeed oo tayeysan.

Go’aan ka gaaris shirar joogto ah oo lagu horumarinayo ciidamada amniga qaranka oo dowladda federaalka iyo dowlad goboledyada xubnaha ka ah ay yeeshaan markii muddo la joogaba kaas oo la jaanqaada dhismaha guud ee dib u dhiska qaranka.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment