3753 Views

TACSI : Ambassador Mohamed Mohamud Handulle

____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 03, 2016 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer, Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali , Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Ambassador Mohamed Mohamud Handulle oo ku geeriyooday saaka subax oo Arbaco ah, kuna beegan August 03, 2016 Magaalada Moscow ee caasimadda dalka Russia .

Marxuum Maxamed Maxamuud Xandulle, waxa uu Safiir ka ahaa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Moscow tan iyo sanadkiii 2007 xilligaasi oo uu diblomaasiyadda si rasmi ah ugu soo biiray.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment