2859 Views

Tarsan oo walaac ka muujiyay Doorashada 2016

Tarsan oo  walaac ka muujiyay Doorashada 2016
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 3, 2016: Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, ayaa walaac ka muujiyay suurtagal ahaanshaha in muddo bilooyin ah lagu daro dowladda federaalka ah.

Maantana waxaa magaalada Muqdisho ka furmo doona shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo hanaanka geeddi socodka doorashooyinka iyo sidoo kale waqtiga ay dhaceyso doorashada.

Tarsan ayaa waxa uu sheegay in xilligan aysan suuragal aheyn in waqti dheeri ah loogu daro dowladda federaalka haseyeeshee waxa uu tilmaamay waqtiyada kooban ee ka haray doorashooyinka in wax walbo lagu qaban karo hadii si cadaalad ah loo wajaho, looguna talo galo.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sidoo kale sheegay in hada la diyaariyay Odayaasha dhaqanka ee soo xuli lahaa xildhibaanada, isagoo intaa ku daray in Bisha Augusta gudaheeda wax walbo oo doorashada la xiriirta lagu qaban karo, haddii xil la iska saaro.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment