5214 Views

Wasiirada Haweenka Puntland iyo Wafdi ay hogaaminayso oo lagu soo dhaweeyay Degmada Bareeda

Wasiirada Haweenka Puntland iyo Wafdi ay hogaaminayso oo lagu soo dhaweeyay Degmada Bareeda
____________________________________________________________________________

Baargaal | QOL | August 2, 2016 – Wasiirada haweenka iyo horumarinta Qoyska puntland Anisa C/qaadir Xaaji Muumin oo wali wada safaradii ay ku kormeeraysay Degaanada Gobolka Gardafuu ayaa waxaa si farxad iyo rayn rayn ku jirto loogu soo dhaweeyay deegaanka xoogaad oo hoostaga dagmada bareeda ee gobolka Gardafuul.

Wasiirada iyo wafdigeeda oo shalay  gaaray Deegaanka Xoogaad ayaa waxaa halkaaas siwayn ugu soo dhaweeyay  masuuliyiinta deegaanka, odaayasha dhaqanka , haweenka deegaanka iyo Dadwayne aad u farabadan oo wasiirada iyo wafdigeeda ku soo dhaweeyay khayraadka deegaanka sida mooska babaayga , maydiga , beyada iyo timirta.

Odayaasha iyo waxgaradkii ka hadlay munaasabada soo dhawaynta ayaa sheegay inay si kal iyo laab ah ugu soo dhawaynaayaan wafdiga wasiirada Guud ahaan Gobolka Gardafuu gaar ahaana degmada Bareeda iyo Deegaanka xoogaad.

Wasiir Anisa C/qaadir xaaji muumin oo ka hadashay munaasibada soo dhawaynta ah oo loogu qabtay beerta xoogaad ayaa marka hore aad uGu mahadcelisay bulshada ku dhaqan xoogaad sida quruxda badan ay ugu oo dhaweeyeen xoogaad ayadoo kala hadashay baahiyaha horumarineed ee uu dagaanku u baahanyahay sida waxbarashada, caafimaadka , iyo adeegyada bulshada ee kale.

Wasiir anisa ayaa ugu danbaytii waxay booqatay iskoolka xoogaad oo u baahan dayactir ayadoo ballan qaaday lacag dhan 1000 dollar oo ay kaga qaybqaadanayso dayactirka iskoolka.

Intaasi kadib waxaa wasiir anisa iyo wafdigeeda si diiran loogo soo dhaweeyay deegaanada tuulo barwaaqo oo horay loogu yaqaanay idajabis ,tooxin , sayn yar , ceel laas , buuro xamur iyo magaala madaxda degmada ee bareeda oo caawa wafdiga wasiiradu ku suganyahay.

wasiir-pland-10 wasiir-pland-9 wasiir-pland-7 wasiir-pland-6 wasiir-pland-4 wasiir-pland-3 wasiir-pland-5 wasiir-pland-1 wasiir-pland-2 wasiir-pland-8

.

.

.

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment