4386 Views

Shirka Madasha Wada-tashiga oo dhawaan soo saarayo Jadwalka doorashada

Shirka Madasha Wada-tashiga oo dhawaan soo saarayo Jadwalka doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 4, 2016: Go’aan ka gaarida Madasha Wada-tashiga oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, iyadoo go’aan laga gaari doono xilliga ay doorashada dhacayso.

Madaxda Madasha, oo dadka qaar ay u yaqaaniin Hogaamiye Kooxeedyada, ayaa wali isku afgarin mudada dib loo dhigayo doorashada, balse waxaa jira soo jeedino kala duwan oo waqtiga doorashada la qabanayo ku aadan.

Ujeedooyinka laga doodayo ayaa ah kuwo farsamo, waxaana Madaxda dowladda Dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada la sheegay inuu waxooga is jiid jiid ka dhaxeeyo, gaar ahaan arrinta la xiriirta sameynta Guddiyada doorashada wadaya, sida Guddiga khilaafaadka iyo Guddiyada doorashada heer maamul goboleedyada.

Warar horu dhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in doorashada dib loo dhigi doono, ilaa hal bil ama labo bil, si howlaha harsan lagu qabto deg deg.

Guddiga Hirgelinta doorashada ee heer Federaal ayaa shalay u gudbiyay Madaxda Madasha qorshayaashooda la xiriira doorashada, balse rasmi ahaan kuma waafaqin Madaxda soo jeedintooda.

Arrinta kale ee muhiimka ayaa ah dhaqaalaha ku baxaya doorashada, kaasoo aan wali la isku raacin, waxaana shirka maanta goob joog ka noqon doona Beesha Caalamka oo shalay furitaankiisa ka qeyb gashay, isla markaana ka soo tagtay.

Dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ayaa waxaa bixinaya Beesha Caalamka, balse waxaa la ogeyn qiimaha ku baxaya doorashada, mana jirto wax la isku raacay ama dhaqaale la soo bandhigay, balse waxad mooda in koox kasta ay ku maqantahay sidi ay u heli-lahayd Foolbaxsi ayada gaar u ah

Gaashan-buurta Madasha Wada-tashiga qaran ayaa xalay kulamo gaar gaar qaatay, iyadoo la sheegay in qodobo dhowr ah oo dhinaca farsamada isku afgartay.

Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in shirka laga soo saaro war murtiyeed ku saabsan xilliga ay dhaceyso doorashada ama ay baaqanayso.

Xamar wax kasta ayaa ka suurta gasho.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Leave a Reply to Anonymous Cancel reply