3669 Views

Ciidamada Danab oo qabsaday garoonka diyaaradaha Gaalkacyo

Ciidamada Danab oo qabsaday garoonka diyaaradaha Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 6, 2016: Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in xalay maqribkii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Gaalkacyo Ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran kuwaas oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan ayaa fariisin ka sameystay qeyb ka mid ah garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee dhanka Puntland ah.

Shacabka ku nool Gaalkacyo ayaa hadal haya ciidamada dul degay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, lamana oga ujeedkooda ila iyo iminka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka howl galayaan deegaanada Mudug, si ay howl gal uga fuliyaan Koofurta Mudug ee ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.

Duulimaadyada garoonka diyaarada C/llaahi Yuusuf ee Gaalkacyo ayaa saaka hakad ku jira, iyadoo maalmihii la soo dhaafay la sheegay inay gaabis ahaayeen diyaaradihii imaanayay garoonka.

Ciidamada Danab ayaa waxaa tababara Mareykanka, waxaana horay howl gallo wadajir ah ay la fuliyeen Ciidamo Mareykan ah deegaano ka tirsan Koofurta Soomaaliua.

Ma hayno wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan Ciidamadan an kor ku soo xusnay, balse dadku weli way yaabanyihiin.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment