3657 Views

Dibad baxyada ka socda Gondar “Itoobiya” oo dad lagu dilay

Dibad baxyada ka socda Gondar “Itoobiya” oo dad lagu dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 7, 2016: Waxaa la sheegayaa in dibad baxyada ka socda magaalada Gondar ee ay degaan Qowmiyada Amxaarada, lagu dilay dad dhowr ah, markii isku dhacyo dhex mareen dibad baxayaasha iyo ciidamada booliska. waxaa kale oo la sheegaya in dadka dhintay ay gaarayaan ila lix ruux.

Goob-joogayaal ayaa u sheegay Al Jazeera in sabtidii shalay ahaa, afar qofood lagu dilay magaalada Gondar, dowladda Itoobiya ayaa wali xaqiijin tirada dhimashada ayadoo u eg in wax qarinayso.

Dad ka badan 500 oo ruux ka soo jeeda qowmiyada Oromada ayaa shalay dibad bax ballaaran ka dhigay magaalada Addis Ababa, iyadoo isugu soo baxay Fagaaraha Meskel, ciidamada booliska ayaa kala eryay dadkaas, iyagoo xir xiray dad fara badan.

Qowmiyada Oromada ayaa horay ugu dhawaaqay inay dhigayaan dibad baxyo ballaaran 6-7 bisha Agosto, kaasoo ka dhan ah dowladda, kuna eedeynaya takoorid iyo sinaan la’aanta dhaqaalaha ee wadanka ka jira.

Dibad baxayaasha ayaa ku qeylinayay halku dhigyo kala duwan, iyagoo watay boorar ay ku dalbanayeen xoriyad iyo in la sii daayo siyaasiyiinta xabsiyada ku xiran.

Dadka qaar ayaa u sheegay wakaalada AFP inay dibad baxyo iyo isku dhacyo ka dhaceen magaalooyinka Ambo iyo Nemekte ee Gobolka Oromada.

Ra’iisul Wsaaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa jimcihii ku dhawaaqay inuu mamnuucay dibad baxyada, isagoo ugu baaqay Ciidamada inay isticmaalaan wax kasta suura gal ah oo looga hortagayo dibad baxyada ka socda magaalooyinka qaar.

Qowmiyada Oromada oo ah qabiilka ugu badan Itoobiya ayaa sanadkii la soo dhaafay dibad baxyo ballaaran ka dhigay deegaanada ay ka soo jeedaan, iyagoo ka soo horjeeday in deegaano ku yaala duleedka magaalada Addis Ababa lagu daro Caasimada, ayadoo Dowlada xoog isticmaalayso.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment