7428 Views

Hindise Sharciyeedkii Jinsiyadda oo dib dawladu u soo celisay

Hindise Sharciyeedkii Jinsiyadda oo dib dawladu u soo celisay
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | August 5, 2016 | 

Muwaadiniinta Soomaaliyeed –

Ma la socotaan in Dawlada Soomaaliyeed ay dib u soo celisay Hindise Sharciyeedkii Jinsiyadda iyo Socdaalka oo ay Soomaalidu 100% diideen sanadkii hore?

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa bishii July 28, 2016 ka furay shir magaalada Muqdisho loogaga hadlayo Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda.  Hadaba aan idin la wadaago qodobada ugu xasaasisan ee ku jira Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda oo ku lifaaqan halkan si qof walba oo muwaadin ah uu u ogaado waxa kujira sharcigan.  Waxaan kale oon jeclahay inaan su’aalo ku weydiiyo dawladda qoraalkeygan.

HALKAN KA AKHRISO QORAALKA INDISAHA

Qodobada ugu xiisaha badan waa Qodobada 2, 3 iyo 9.

Qodobka 2 (1), wuxuu Soomaali u aqoonsan yahay dadka isirkoodu yahay Soomaali oo dhulka hada loo yaqaano Soomaaliya degan oo ah inta todobada dhexdeeda ku nool.  Soomaali Galbeed, Jabuuti iyo NFD kuma jiraan dadka Soomaalida ah.

Isla Qodbka 2 (4) iyo (5), wuxuu u ogolaanaayaa qof asalkiisu yahay ajanabi inuu qaato jinsiyadda Soomaalinimada qaab ku dhalasho wadanka gudahiisa ah.

Qodobka 3, wuxuu u ogolaanaayaa qof ajanabi ah oo sideed sano joogay Soomaaliya inuu qaato jinsiyadda Soomaalinimada.

Qodobka 9, wuxuu u ogolaanayaa qofkii qaxootinimo loogu aqoonsado Soomaaliya gudaheeda inuu markiiba xaq u leeyahay inuu si sharci ah u degenaado Sommaliya, taasoo macnaheedu tahay sharci ahaan inuu helayo “degenaasho rasmi ah sida Green Card ama Landed ama Residency”.

Isla Qodobka 9, qofka qaxootinimada ku joogo Soomaaliya wuxuu xaq u leeyahay inuu qaato jinsiyadda Soomaalinimada ka dib sideed sano.

Soomaaliya oo aynu ognahay xaalkeeda maxay tahay ujeedada laga leeyahay in hadda la furo Sharciga Jinsiyadda iyo Socdaalka?  Maxay tahay danta dhaqaale, bulsho, amni iyo siyaasadeed ee inoogu jira?.  Ma dhaqaalaheenaa u baahan mise baahi shaqaale baanu u qabnaa socoto dalka yimaada oo markiiba dhalasho qaata?

Aaway doorashadii/xulashadii la sugayey?  Aaway dhismihii dawladnimo, dib u heshiisiintii dadkii kala irdhoobay, dhisida ciidan qaran, sugida amniga iwm.  Wadan aan awoodin inuu maareeyo hawadiisa, badiisa iyo dhulkiisa, sidee bay macquul u tahay inuu yiraahdo albaabadeyda si sharci ah baan u furay oo cid walbo dhalasho Soomaali ah ha qaadato oo ay ku jiri karaan argagixisida caalamiga ah?

Maxaa diidaya in aynu ku dhaqano Sharci Namber 28 oo ka hadlaya Jinsiyadda Soomaalinimada ee soo baxay bishii Diseember 1962 inta aynu lugaha yaga ku istaageyno? Dad hadda anaga nagu soo kordhaa ma u baahanay?  See wax u jiraan?

Dawlada Soomaaliya waxaan ka codsanayaa in ay ii sharaxdo danta ku jirta in aynu furno shaciga jinsiyadda oo qatar gelin kara jiritaanka Qaranimadayada.

Ila daawada sidii reer Toronto ay u diideen Hindise Sharciyeedka cusub.

https://www.youtube.com/watch?v=e06lp62eOj0

.
Tixgelin,

Aden Abdi Hire

E-mail: hire01@yahoo.ca

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment