3144 Views

Madaxweynaha oo la kulmay Saraakiisha dowladda iyo AMISOM

Madaxweynaha oo la kulmay Saraakiisha dowladda iyo AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 7, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan Casho Sharaf ah ugu sammeeyay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ka socda.

Cashadaan, ayaa waxaa goobjoog ahaa Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Safiirada dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa hadal dardaaran u jeediyay Saraakiisha Ciidamada, ayaa faray in la xoojiyo howlgalka kadhanka ah Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.

Waxa kale uu Madaxweynaha hoosta ka xariiqay in ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ay sugaan ammaanka Goobaha ay doorashada ka dhici doonto, si looga hortago iskuday kasta oo kooxaha argagixisadu ku doonayaan in ay ku carqaladeeyaan Ammaanka goobaha loo qorsheeyay in doorashadu ay ka dhacdo.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay shirka Bisha Septembar ay martigalin doonto Soomaaliya, kaasoo uu xusay in lagu qiimeyn doono Xaaladda Ammaanka iyo is bedelka dhinaca hormarka ee ay ku tallaabsatay Soomaaliya.

Dhowaan ayay aheyd markii Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay uga hadleen sidii loo dar dar gelin lahaa howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab, inta an la gaarin waqtiga doorashada.

IMG_3386IMG_3402 (1)IMG_3403IMG_3411IMG_3415

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment