3009 Views

Soomaaliya oo bisha soo socota martigelineysa Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD

Soomaaliya oo bisha soo socota martigelineysa Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 6 August 2016 (Villa Somalia) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga soo qeybgaley shir madaxeedkii 2-aad ee waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, iyo dalalka kale ee Afrika iyo beesha caalamka ay uga arrinsanayeen xasaradda ka aloosan Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan.

Go’aamada ka soo baxay shir madaxeedkan ayaa waxaa ka mid ah in ciidan badbaadiya shacabka la geeyo Koonfuurta Suudaan, in nabadda la dhiirigeliyo, lana xushmeeyo heshiisyada siyaasadeed ee ay gaareen dhinacyada isku haya siyaasadda dalkaasi.

Waxaa sidoo kale madaxda IGAD ay go’aamiyeen in shir madaxeedkooda caadiga ah ee sannadlaha ah bisha soo socota ee September horaanteeda lagu qabto magaalada Muqdisho.

.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment