4689 Views

Banaanbax looga soo horjeeday inqilaabkii fashilmay ee Turkiga oo ka dhacay Istanbul

Banaanbax looga soo horjeeday inqilaabkii fashilmay ee Turkiga oo ka dhacay Istanbul
____________________________________________________________________________

Istanbul | August 8, 2016 – Isu soo bax aan caadi ahayn, ayaa Axadii gilgilay Magaalada Istanbul ee Wadanka Turkiga, ka dib afgambigii fashilmay ee 15-kii bishii hore ee July ka dhacay dalkaasi.

Boqolaal kun oo ka mid ah taageere-yaasha Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa soo buuxiyay Fagaarihii uu ka qabsoomay isu soo baxaan.

Madaxweynaha Turkiga oo ka soo qaybgalay isu soo baxaan, ayaa waxaa ku wehlinaayay Hogaamiye-yaasha Xisbiyada Mucaaradka, si ay ugu muujiyaan sida ay kaga soo horjeedaan afgambigaasi. Dowladda Turkiga, ayaan Siyaasiyiinta Kurdiyiinta ku soo casuumin isu soo baxaasi.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa khudbad ka jeediyay in kabadan hal milyan oo qof oo isugu soo baxay magaalada Istaanbuul si ay cambaareeyaan inqilaabkii milatari ee fashilmay bisii hore.

Madaxweynaha ayaa dad tiro badan oo lulaya calanka dalkaasi waxa uu u sheegay in uu dib u soo celin doono xukunkii dilka ahaa ee 1984-kii laga mamnuucay dalkaasi, waa haddii buu yiri baaralamanka uu arrintaasi ansixiyo.

Shacabka Turkiga, ayaa lahaa sababta fashilka afgambiga, iyagoo si adag ula dagaalay Ciidamadii Militariga, ee loo soo carbiyay inay kursiga ka tuuraan Madaxweyne Erdoğan.

Istanbul-rally-7 Istanbul-rally-12 Istanbul-rally-9 Istanbul-rally-11 Istanbul-rally-10 Istanbul-rally-5 Istanbul-rally-3 Istanbul-rally-8 Istanbul-rally-6 Istanbul-rally-4 Istanbul-rally-2

.

.

.

Sources: SONNA

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment