4323 Views

Wasiirka Dhalinyarada oo xalay ka bad baaday dil

Wasiirka Dhalinyarada oo xalay ka bad baaday dil
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 8, 2016: Maxamed Xasan Nuux,Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay fiidkii ka bad baaday bam gacmeed lagu weeraray Carwo uu ka dukaameysanayay oo ku taala Wadada Maka Al-Mukarama.

Sida ay sheegayaan wararka bamka lagu tuuray agagaarka Carwada uu wasiirka ku sugnaa, waxaana kadib rasaas furay Ilaaladiisa.

Goobta uu ka dukaameysanayay wasiirka ayaa ku taal agagaarka Hotel Maka Al-Mukarama, halkaasoo ay ku yaalaan carwooyin lagu iibiyo dharka, iyo agabyada kale..

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxa, waxaana markii qaraxa dhacay qal qal ku yimid goobihii ganacsiga ee ku yiil wadada iyo isu socodkeeda.

Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga, oo la hadlay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in aanay waxyeelo ka soo gaarin walxaha qarxa ee lagu weeraray uuna bad qabo.

Qaraxa kadib ayaa goobta waxaa soo gaaray Ciidamo Boolis ah, kuwaasoo goobta xiray illaa intii Wasiirka uu ka tagay.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa ku yaala goobo ganacsi oo dadka ka dukaameystaan, waxaana wadada ay tahay wado aad u mashquul badan dad iyo gawaari intaba.

 ———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment