4713 Views

Galmudug oo ka cabanayso ciidanka Danab

Galmudug oo ka cabanayso ciidanka Danab
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 9, 2016: Waxaa muran badan dhaliyay, howlgal Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug taas oo ay kaga gol lahaayeen xaqiijinta amniga, waxaana howlgalkaasi si weyn u cambaareeyay siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta gobolka Mudug.

Duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug, Xirsi Yuusuf oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in ciidamadaasi aysan wx xiriir ah la soo sameynin maamulka degmada ayna ula muuqato kuwo gadaal laga soo riixayo.

Habeennadi la soo dhaafay waxa ay ciidamada Danab howlgallo ka sameynayeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Axmed Maxamed Shire Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegay ficillada ay sameynayaan ciidanka Danab in aysan aheyn kuwa sax ah.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment