3267 Views

Ganacsatada Gobolka Banadir oo ka qaylisay Maamulka Dakadda.

Ganacsatada Gobolka Banadir oo ka qaylisay Maamulka Dakadda.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 9, 2016: Ayada oo Maalintii 3aad ay hakad ku jiraan howlihii Dekeda Muqdisho ayaa waxaa Ganacsatada Gobolka Banaadir ay soo saareen war saxaafadeed ay ku muujinayaan cabashadooda, culeyska iyo dhibaatooyinka ka jira Dekeda Muqdisho.

Ganacsatada, ayaa faah faahin ka bixiyay dhibaatooyinka ka jira Dekeda oo isugu jira kuwa horay u soo jiitamayay iyo kuwa cusub oo dhowaan soo kordhay, kaasoo ah mid u gaar ah Dekeda Muqdisho kaliya oo aanay la qabin Dekedaha kale ee waddanka.

Hadaba waxaa halkan idin ku soo gudbineynaa War saxaafadeed ka soo baxay Dallada Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Ujeeddo : Cabasho culays ka jira Dakadda Muqdisho

Kadib bur burkii dowladii dhexe ee Soomaaliya, ganacsatada Soomaaliyeed waxay ahaayeen lafdhabarka dhaqaale ee dalka, waxaana ku tiirsan nolosha dhaqaale ee dhamaan bulshada Soomaaliyeed. waxaan shaki ku jirin in Ganacsatada Gobolka banadir, Si gaar ah, ay yihiin canshuur bixiyeyaasha ugu badan dhamman ganacsata Somaaliyeed.

Canshuuraha iyo Qarashaadka ay ganacsatada gobolka banaadir ku bixiyaan Dekadda Muqdisho waxa ka mid ah

  1. Canshuurta soo dajinta iyo dhoofinta
  2. Canshuurta macaashul macaashka oo ah 5% Canshuurta kor ku xusan
  3. Adeega Wasaaradda Dekadaha
  4. Faranka Bollo
  1. turubataariyo
  2. Nabadsugidda
  3. Shirkadda Albayrak

Dhammaan canshuurahaas iyo qarashaadkaas waa kuwo intooda badan ayna nala qabin ganacsatada gobolada kale ee dalka iyo kuwa dalalka darisk ahba, khaasna ku ah ganacsatada gobolka banadir ayadoo waliba ayna inta badan lacagahaasi marin systemka dowlada lakiin huwan shaati dowladeed.

Ganacsata Gobolka banaadir waxay ka cabanaan culaysyo hor leh oo soo kordhay ayadoo dakaddii muqdisho isu badashay meel cid kasa hunguri ka galo  una soo shaqo tagtay, lana timid Qandaraasyo la magac baxday “II DUL SAAR” oo dhamaan ayna dan ugu jirin dowladda iyo shacabka Soomaliyeed, ayna ku danaystaan shakhsiyaad isku xiran oo ku raadinaya qaab dowladeed.

Mashaariicdaas guracan waxa ka mid ah:

  1. Kan ay wadato shirkadda PGM oo ah in container kasta oo kasoo dagayo kana baxayo Dakadda muqdisho laga qaado $70.00
  2. kan ay wadato shirkadda SomaTex ee loo bixiyay dakadda Qalalan
  3. miisaanka yaalla dakadda Muqdisho ee lagu miisaamayo alaab ka timid suuqyo caalami ah oo culayskooda la yaqaano.

Culaysyadaan waxay sababeen sicir barar ku yimid badeecada kasoo dagta Dekedda Muqdisho oo la tartami wayday middda kasoo dagta dakadaha kale ee wadanka ayadoo badeecadii dhaafi wayday labada control ee magaalada Muqdisho oo ayaga laftooda noqday checkpoints lacago badan lagu qaado.

Waxay ganacsatada Gobolka Banadir soo jeedinayaan oo ay codsanayaan in si degdeg ah wax looga qabto arimaha aan soo sheegnay oo saamayn wayn ku yeelashay nolosha dadka soomaaliyeed ee danyarta ah gaar ahaan gobolka Banadir.

Mahadsanidiin

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment