3174 Views

Maxaa ka soo kordhay Shirka Madasha wada-tashiga?

Maxaa ka soo kordhay Shirka Madasha wada-tashiga?
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 9, 2016: Inkastoo qeyb ahaan Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ay isku afgarteen hanaanka loo marayo doorashooyinka, ayaa waxaa soo baxaya qodobo aan wali lagu heshiin, kaasoo keenay inuu sii dheeraado shirka, isla markaana dib u dhaco war murtiyeedkii la filayay in la soo saaro dhawaan.

Arrimaha aan wali laga heshiin ayaa waxaa ka mid ah halka laga soo xulayo Xubnaha Maamulka Khaatumo u matalaya Aqalka Sare iyo sharciyada Madaxweynaha uu xafiiska ku joogayo marka la gaaro 10 September, waxaana qodobkan uu ahaa midka ugu adkaa ee la isku mari waayay.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa markii hore ka soo horjeeday mudada 50-ka maalmood ee lagu daray doorashada waqtigeeda sida Dastuurka qabo uu xilka Madaxweynaha sii haayo Guddoomiyaha Baarlamanka, taasoo Madaxweyne Xasan uu aad uga biya diidanaa lana xumaatay.

Waxaa muuqata in wax yar laga soo dabcay qodobkaas, balse qodobka hada ugu weyn ayaa ah sida loo soo xulayo xubnaha ka imaanaya Khaatumo ee Aqalka sare.

Hoggaamiyeyaasha ayaa soo jeediyay saddex arrimood oo ay ka mid yihiin in xubnaha Khaatumo ee Aqalka sare kaga soo aaday la raacsiiyo Somaliland, in qoondada Puntland iyo Somaliland ee Aqalka sare ku soo aaday laga jaro tiro isla eg, lana siiyo Khaartumo iyo in Puntland laga soo xulo.

Gas, Madaxweynaha Puntland, ayaa ku adkeysanaya in xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya Khaatumo uu isaga xaq u leeyahay, isla markaana uu soo xulayo, taasoo keentay in doodu dheeraado.

Kala aragti duwanaanshaha hareeyay Madaxda ayaa waxay keeneen in shirka uu dheeraado, isla markaana uu galo maalintii todobaad, waxaana shirka markiisa hore uu ku qorsheysnaa in labo maalmood uu socdo.

C/kariin Guuleed Madaxweynaha Galmudug oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, kadib howlo caafimaad uu ky tagay Hindiya, ayaa xalay ku biiray shirka Madasha wada-tashiga qaran.

Lama oga illaa iyo hada waqti rasmi ah oo la soo gaba gabeyn doono shirka, iyadoo dhowr jeer oo hore ay dib u dhacyo ku yimaadeen war murtiyeedkii shirka laga soo saari lahaa.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment