4485 Views

Nadiifo Ibraahim Iidoow oo ku Guuleysatay Codeyntii Championka-GKK Soomaaliya

Nadiifo Ibraahim Iidoow oo ku Guuleysatay Codeyntii  Championka-GKK Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 9, 2016 – Nadiifo Ibraahim Iidoow oo ka Tirsaneyd Gabdhaha Kubada Koleyga ee Badda iyo XUlka Gabdhaha Soomaaliya ayaa ku Guuleysatay Codeyntii Champions-ka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya ka dib Markii ay ugu bnadisay Mulki Nuur Muudeey oo ka Tirsaneyd Gabdhaha Kubada Koleyga ee LLPP iyo gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya 19 Cod iyo 14 Cod Codeyntii Finalka oo ay isagu soo hareen 2 musharax Taasoo qabsoontay 5-6 Bishaan Ogosto 2016.

Codeyntaan El Clasico Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya ee Barisamaadkii Gaar ahaan 80meeyadii Hablihii Ciyaari jiray Kubada Koleyga Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay 32 Ciyaartooy kuwaasoo iksu arkay min 2 Ciyaartoy.

Wareegii 32 waxaa ka soo gudbay  16 Ciyaaryahan,Wareega 16 waxaa ka soo Gudbay 8 Ciyaaryahan,wareega 8 waxaa ka soo Gudbay 4 Ciyaaryahan,wareega Sami Finalka waxaa ka soo Gudbay 2.Finalka waxaa isagu yimid 2 Ciyaaryahan,waxaana Codeynta oo soo bilaabatay 25-7-2016 ay soo gabagabowday Maanta oo ku beegan 8-8-2016.

Wareega Sami Finalka.

Kaalinta 3 Waxaa Galay Qaali Xaaji Aadan ( ENG)

Kaalinta 4 Waxaa Galay Naado ( Horseed )

Wareega 8
Kaalinta 5 waxaa Galay  Geediyo Cali Abshir ( Sancada )

Kaalinta 6 Waxaa Galay Miski  ( Somalita )

Kaalinta 7 Waxaa Galay Maryan Dheereey ( Horseed )

Kaalinta 8 waxaa Galay Astur Jaamac Cilmi ( LLPP)

Nadiifo Ibraahim iidoow  ( Badda )oo ku guuleysatay Codeynta Champions-ka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya waxaan leenahay hambalyo.sidoo kale Mulki Nuur Muudeey ( LLPP) oo iyadauna looga badiyay Finalka waxaan u jeedineynaa hambalyo

Nadiifo ibraahim Iidoow wareegyadii ay soo Ciyaartay Codeynta Champions-ka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya.

Wareegii 32 waxa ay ka soo badisay Shiino Maxamed cariif,

wareegii 16   waxa ay ka soo badisay Jiijo Axmed Yare,

wareegii 8    Waxa ay ka soo  Badisay Astur Jaamac Cilmi

wareegii 4 Sami Finalka waxa ay ka badisay   Qaali Xaaji Aadan

wareegii Finalka waxa ay ka badisay  Mulki Nuur Muudeey

.

.
Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’ UUrdoox’
Uurdoox2016@gmail.com

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment